www.bile.4mg
kusoo dhawoow wararkii ugu denbeeyy ee somalia
warar degdeg ah
ADUUN YADU WAA DAREER KHALOO IYO WAA MAROOR NAFUHU KAMA BAXO WAREER HADDII UU GALO CARIIR WUXUU DAAD SHAA DAREER
Bariisle Media:Tuesday, May 10, 2011(Mombassa) Saraakiisha ciidamada Booliska dalka Kenya oo u waramyey jaraa’idka Daily Nation ayaa
sheegay in ciidamada booliska dalkaasi ay xireen ilaa 5 ruux oo lala
xiriirinayo xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Somaaliya.
Booliska ayaa sheegay in 5-ta ruux ee
ay ciidamda gacanta ku dhigeen ay ku jireen rag dhalasho ahaan kasoo jeeda
dalalka Yemen iyo Syria, waxaana intaasi ay ciidamdu ku dareen in raggan ay siteen Passapooro muujinayey in ay ganacsato ahaayeen ragaasi islamarkaana ay wadanka Keyna joogeen 6-dii bilood ee la soo dhaafey.
Wargesyka Daily Nation ayaa waxa uu intaasi ku darey ciidamada Booliska dalka Kenya ay u xaqiijiyeen in raga looga
shakisyahay in ay yihiin Shabaab tababar ay ku qaateen 2 masaajid oo ku yaalla magaalada Mombassa iyo xeebta dhanka koonfureed kutaalla ee dalka Kenya halkaasoo ciidamdu sheegeen in lagu qabtey.
Saraakiisha ciidamada Booliska dalka Kenyawaxa ay sheegey in ay haleen warbixin sugan oo ku aadan in raggaan ay
qorshynayeen in maleegaan hawlo amni darro ah iyo qaraxyo iyagoo xusey ugu dambeyntii in ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan gacantana ay ku dhigaan waxaana ay intaasi ku dareen in lagu xirey xabsi ku yaalla isla magaalada Mombassa.
“waxey ahayeen argagxiso raggan waxayna doonayeen in qaraxyo ay ka geystaan halkan, laakiin waan ka hortagney, waxay
siteen waxyaabaha qarxa dhamaantood ciidmadeena ayaa gacanta ku haya, waxaana ka codsaneynaa shacabka in ay nagu soo war geliyaan wixii ay u arkaan in ay Qatar ku yihiin amaanka dalka,” sidaasi waxaa yiri salkaal sare oo warbaahinta
kula hadley magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Tan iyo wixii ka dambeeyey geeridii Sheik Osama Bin Laden, Kenyaayaa waxa ay wdey hawlo amaanka lagu adkeynayo si
ay ugu fogaato weeraro iyo qaraxyo loogu aargudayo wadaadkii geeriyoodey ee hogaanka u ahaa ururuka Alqaacida, iyadoo cabsida ugu xoogan ee Kenyaay qabto weerar ama qaraxyo ay fukliyaan xarakada Al-shaabaab ee Soomaaliya.

